Miyaad anaga warqad naga heshay?
Waxa suurtogal ah inay dhaaftey wakhtigii aad qaan-sheegad (faktura) ku bixin laheyd. Waxaad si fudud ugu so gali kartaa mina sido si aad arintaada/kiiskaaga ugu maareyso. Waxa aanu sidoo kale si diirran kuugu soo dhaweynaynaa inaad nagala soo xiriirto wixii caawimo ah.
Sidee ayaanu kuu caawin karnaa?
Anaga hadafkayagu waxa weeye inaad adigu iska ilaaliso in kharash kale oo dheeri ah iyo in sumadda dadka deynta iska bixin waaya lagu saaro (betalningsanmärkning). Waa muhiim inaad deyntaada bixiso taariikhda ugu dambaysa ka hor si aad iskaga ilaaliso in kiiska ugu danbeyntii loo gudbiyo kronofogden (hey’adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo). Haddii aad ogtahay inaadan awoodi karin inaad wakhti ku bixiso, ayay muhiim tahay inaad isla markiiba anagana nala soo xiriirto markaas ayaanu ku caawin doonnaa.
031 – 10 20 00
Måndag-torsdag 09:00-17:00
Fredag 09:00-16:00
Sidee ayaan u bixinayaa?
Lacag bixinta waxa aad si fudud ugu sameynaysaa adigoo isticmaalaaya macluumaadka bixinta ee aad ka helayso xagga hoose ee codsiga inkasso-da.
Waxa aad sidoo kale kiiskaaga ku bixin kartaa Swish. Markaad Swish ku bixinayso, sheeg tixraac ahaan lambarka OCR-ga.
Sidan ayuu u dhacaa nidaamka inkassodu
Codsiga inkasso-da
codsiga inkasso-da waxa diiwaan galinaaya adeeg bixiyahaaga adigaana laguu soo diri doonaa
Maalinta ugu dambeysa ee lacag bixinta
Haddii aad ku bixiso adigoo soo maraaya kala wareejinta bangiga, ayay taasi tahay maalinta ugu danbeysa ee lacag bixinta
Taariikhda ugu dambaysa
Codsiga inkasso-da waxay tahay in la bixiyo maalinta ugu dambeysa ee lacag bixinta marka la soo maraayo Swish
Kronofogden
Haddii Codsiga inkasso-da aan weli la bixin, ayaa kiiska loo gudbin karaa kronofogden
Sidee ayaan ku soo galayaa mina sidor?
Si aad kiiskaaga si fudud ugu maareyso waxaad soo galeysaa mina sido adigoo isticmaalaaya BankID gaaga. Markaad tahay qof wakiil sharci ahaaneeda ah, waxaad ku soo galaysaa macluumaadka gelitaanka ee ku dhigan codsiga inkasso-da.
Haddii aanad haysan BankID ama macluumaadka soo galitaanka, ayaanu kaa dalbanaynaa inaad anaga nala soo xiriirto markaas ayaanu ku caawin doonnaa.
Shanta su'aalood ee badanaa la is weydiiyo
Haddii aad rabto inaad kala qeybqeybiso u bixisid lacagtaada, ayaad markaa soo galaysaa mina sidor aad ku buuxinaysaa intaad bil kasta bixin karto. Waanu kugu soo warcelin doonaa isla marka ugu horeysa ee aanu jawaab ka helno adeeg bixiyahaaga. Ama markaas ayaad ku soo dhawaan kartaa inaad anagana nala soo xiriirto markaas ayaanu ku caawin doonnaa.
Marka qorshe hafto ah/qeybqeyb bixin ah la sameeyo, ayaa waxa fuulaaya kharash dheeraad ah oo 170 karoon dhan iyo sidoo kale khidmadda biil dirista oo 60 karoon ah biil diristiiba marka lagu daro heerka ribadda/dulsaarka ee socda.
Haddii aanad awoodin inaad hadda bixiso ayay aad muhiim u tahay inaad nala soo xiriirto ka hor taariikhda ugu danbeysa, markaa ayaanu eegi doonaa sida aanu kuu waacin karno si aad iskaga ilaaliso kharash dheeraad ah iyo sidoo kale codsiga kronofogden.
Xagga gadaasha codsigaaga waxa ku yaala qeexitaan ku saabsan waxa uu codsigu khuseeyo. Waxaad si fudud ugu so gali kartaa mina sidor aad arintaada/kiiskaaga ugu maareyso.
Haddii aad bixisay ayaad si fudud ugu so gali kartaa mina sidor aad ugu eegto in lacag bixintaadii na soo gaadhay.
Ka fikir in lacag bixintu ay anaga na soo gaadho ugu danbeyn maalinta ugu danbeysa ee lacag bixinta. Caadi ahaan waxay lacag bixintu qaadataa 1-3 maalmaha shaqada ka hor inta aananu helin lacagta. Taas micnaheedu waxa weeye inaad codsigaaga bixiso maalmo ka hor taariikhda ugu dambaysa si ay lacag bixintu ay si sugan anaga noogu timaado waqtiga saxda ah.
Kharashka inkasso-du waa khidmad sharciga waafaqsan oo ah 180 karoon. Kharashkan waa in la bixiyaa haddii lacag aan la helin ka hor inta aan codsiga inkasso-da la dirin.