Adeegga Macaamiisha - Su'aalo iyo jawaabo. Halkan waxa aanu u joognaa inaanu ku caawino

Miyaad rabtaa caawimaad mise xagga hoose ayaanad ka helin jawaabta su’aashaada? Markaas ayaad ku soo dhawaan kartaa inaad anaga nala soo xiriirto, markaas ayaanu ku caawin doonnaa.

Su'aalo iyo jawaabo

Waa muhiim inaad deyntaada bixiso ka hor taariikhda ugu dambaysa si aad iskaga ilaaliso in kharash dheeraad ah lagu saaro ama in kiiska loo gudbiyo kronofogden. Waxa fuulaaya kharash dhan 680 karoon haddii kiiskaaga loo gudbiyo kronofogden. Haddii aanad bixin kareynin ayaanu kaa codsanaynaa inaad anaga nala soo xidhiidho markaas ayaanu ku caawin doonnaa.

Lacag bixinta

Lacag bixinta waxa aad si fudud ugu sameynaysaa adigoo isticmaalaaya macluumaadka bixinta ee aad ka helayso xagga hoose ee codsiga inkasso-da. Iska hubso inaad ku qorto/geliso tirada saxda ah iyo lambarka OCR-ga.
Waxa aad sidoo kale kiiskaaga ku bixin kartaa Swish. Lacag bixinta ayaa markaa lagu sameynayaa 123 176 6914, ku qor markaa lambarka OCR-ka kaas oo aad tixraac ahaan ka helayso xagga hoose ee codsiga inkasso-da. Haddii aanad haysan codsiga inkasso-da ayaad si fudud ugu so gali kartaa mina sidor si aad deyntaada ugu eegto.

Haddii aad rabto inaad kala qeybqeyb u bixisid lacagtaada, ayaad markaa soo galaysaa mina sidor si aad ku buuxinaysaa intaad bil kasta bixin karto. Waanu kugu soo warcelin doonaa isla marka ugu horeysa ee aanu jawaab ka helno adeeg bixiyahaaga. Ama markaas ayaad ku soo dhawaan kartaa inaad anagana nala soo xiriirto markaas ayaanu ku caawin doonnaa.
Marka qorshe hafto ah/qeybqeyb bixin ah la sameeyo, ayaa waxa fuulaaya kharash dheeraad ah oo 170 karoon dhan iyo sidoo kale khidmadda biil dirista oo 60 karoon ah biil diristiiba marka lagu daro heerka ribadda/dulsaarka ee socda.

Haddii aanad awoodin inaad hadda bixiso ayay aad muhiim u tahay inaad nala soo xiriirto ka hor taariikhda ugu danbeysa, markaa ayaanu eegi doonaa sida aanu kuu waacin karno si aad iskaga ilaaliso kharash dheeraad ah iyo sidoo kale codsiga kronofogden.

Haddii aad bixisay ayaad si fudud ugu so gali kartaa mina sidor si aad ugu eegto in lacag bixintaadii na soo gaadhay.
Ka fikir in lacag bixintu ay anaga na soo gaadho ugu danbeyn maalinta ugu danbeysa ee lacag bixinta. Caadi ahaan waxay lacag bixintu qaadataa 1-3 maalmaha shaqada ah ka hor inta aananu helin lacagta. Taas micnaheedu waxa weeye inaad codsigaaga bixiso maalmo ka hor taariikhda ugu dambaysa si ay lacag bixintu ay si sugan anaga noogu timaado waqtiga saxda ah.

Haddii aad lacagta siiyey adeeg bixiyahaaga ayaad nala soo xiriiri kartaa ama cadeynta lacag bixinta emayl ahaan ugu soo diri kartaa inkasso@preventiafinans.se waxaanu markaa lacag bixinta ka hubin doonnaa adeeg bixiyahaaga. Iska hubso inaad lambarka kiiskaaga ku qortid godka loogu talogalay mawduuca.
Haddii aad lacag bixinta sameysay ka dib markii codsiga inkasso-da aanu kuu soo dirnay, ayay markaa kugu waajib tahay inaad bixiso kharashka inkasso-da iyo sidoo kale ribadda/dulsaarka la saarey. Waxa muhiim in qadarka hadhsan la bixiyo si la iskaga ilaaliyo kharash dheeraad ah ama codsi kronofogden loo diro.
Wax dheeraad ah ka akhri imy.se/inkasso

Kiiska

Si aad kiiskaaga si fudud ugu maareyso waxaad soo galeysaa mina sidor si isticmaalaaya BankID gaaga. Markaad tahay qof wakiil sharci ahaaneeda ah, waxaad ku soo galaysaa macluumaadka gelitaanka ee dhigan codsiga inkasso-da.
Haddii aanad haysan BankID ama macluumaadka soo galitaanka, ayaanu kaa dalbanaynaa inaad anagana nala soo xiriirto markaas ayaanu ku caawin doonnaa.

Markaad soo gasho mina sidor waxaad heli kartaa xogta iyo xaaladda kiiskaaga. Haddii aad dhowr kiis annaga naga leedahay, ayaa dhammaantood meel lagu soo urruriyay markaad soo gasho. Waxa aad toos si fudud ula soo xidhiidhi kartaa adeegga macaamiisha ee kiiskaaga marka aad soo gasho.

Xagga gadaasha codsigaaga waxa ku yaala qeexitaan ku saabsan waxa uu codsigu khuseeyo. Waxaad si fudud ugu so gali kartaa mina sidor si aad arintaada/kiiskaaga ugu maareyso.

Haddii macluumaadka ku dhigan codsi inkasso-ah aanu sax aheyn ayay muhiim tahay inaad isla markiiba nala soo xiriirto oo aad noo sheegto waxa khaldan. Taas waxa aad sameyn kartaa adigoo soo galaaya mina sidor ama waxaad ku soo dhawaan kartaa inaad la soo xiriirto adeegga macaamiishayada.

Anaga nala soo xiriir waxaanu markaa eegi doonnaa haddii aanu xal waara gaari karno kaas oo adiga iyo adeeg bixiyahaaguba aad isla ogolaataan/qaadataan.

Waxyaalaha dheeraadka ah

Xusuusinta waxa caadi ahaan la soo diraa marka ay taariikhda bixinta qaan-sheegashadu dhaafto, hase yeeshe, ma jiraan wax shuruud ah oo dhahaaya waa in is xasuusin la isku diraa. Codsiga Inkasso-da waxa badanaa la isku soo diraa ka dib marka xusuusin aan la bixin, laakiin waxa sidoo kale loo soo diri karaa toos ka dib marka taariikhda ugu dambaysa ee la bixinaayo ay dhaafto. Codsiga inkassodu waa digniin ah in kiiska si sharci ah loo sii wadi karo haddii aan la bixin.

Kharashka inkasso-du waa khidmad sharciga waafaqsan oo ah 180 karoon. Kharashkan waa in la bixiyaa haddii lacag aan la helin ka hor inta aan codsiga inkasso-da la dirin.

Taasi ugu horeyn waa marka kiiska inkasso-da loo gudbiyo kronofogden haddii ay imaan karto sumadda dadka deynta iska bixin waaya. Markaad bixiso taariikhda ugu dambaysa ka hor, ayaad iska ilaalinaysaa sumadda dadka deynta iska bixin waaya. Haddii aanad haysan wax fursad ah oo aad ku bixiso ayaanu kaa codsanaynaa inaad anagana nala soo xidhiidho markaas ayaanu isku dayi doonaa inaanu ku caawino.
Ma aha kronofogden cida bixinaysa sumadda dadka deynta iska bixin waaya, ee waxa laakiin taas sameeya shirkadaha xogta amaahda (kreditupplysningsbolagen).

Haddii aad warqad ka heshay kronofogden ayay taas micnaheedu tahay inaad leedahay hal ama wax ka badan oo kiisas inkasso-da ah oo aan wakhti lagu bixin. Taas macnaheedu waxa weeye in kharash dheeraad ah iyo khidmad lagu daray. Haddii aan hadda gebi ahaan deynta la wada xallin, ayaa codsi lala xiriirsiin karaa la-wareegis ama in kiiska loo sii gudbiyo in garsoorka/sharciga lagu maareeyo. Nala soo xiriir markaas ayaanu ku caawin doonnaa.

Xusuusinta lacag bixinta waxa soo dira cida leh amaahda ka dib markii ay taariikhda lacag bixintu dhaaftey. Kharash: Lacagta xusuusinta waa 60 koron iyo sidoo kale xaddiga ribada tixraaca ah + 8% haddii aan wax kala lagu heshiin
Haddii aan xusuusinta la bixin, ayay tallaabada xigta tahay codsiga inkasso-da, iyadoo caadi ahaan taas loo maraayo shirkad kale sida Preventia Finans. Kharash: Kharashka inkasso-da 180 koron
Haddii aan codsiga inkasso-da la bixin, ayaa kiisaska caadi ahaa loo gudbiyaa kronofogden si loogu xaqiijiyo/go’aamiyo deynta iyo waajibaadka bixinta. Kharash: Khidmada dalabka 300 koroon iyo sidoo kale khidmada wakiilka 380 karoon

Miyaad qabtaa wax cabasho ah?

Adiga jawaab celintaada ayaa muhiim ah oo haddii aad haysid wax faalo ama cabasho ah oo ku saabsan sida aanu u maareyneyno kiiskaaga, ayaad ku soo dhawaan kartaa inaad nala soo xiriirto. Waxaanu anagu u aragnaa inaan u shaqeyno macaamiisheyada iyo sidoo kale adigaba.

Viktigt meddelande!

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit. Ut elit tellus, luctus nec ullamcorper mattis, pulvinar dapibus leo. Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit. Ut elit tellus, luctus nec ullamcorper mattis, pulvinar dapibus leo. Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit. Ut elit tellus, luctus nec ullamcorper mattis, pulvinar dapibus leo.

Preventia använder cookies för att ge dig bästa tänkbara upplevelse